Bollywood Khiladi Aka Akshay Kumar ayaa ku guda jira xayeyiin u sameynta filimkiisa Sooryavasshi ee bishaan maarso dhamaadkeeda la daawan doono waxuuna la kulmayaa saxaafada qeybaheeda kala duwan shabakada Hindustan Times ayaa Akki wax ka weydiiyeen dagaalka isaga iyo Salman.

Sidaan wada ognahay ciida Fitriga waxaa Box-officeka isku dagaali doonaan labada Superstar Salman Khan iyo Akshay Kumar oo kala wataan Filimada Radhe iyo Laxmmi Bomb 22 May ayaana lawada daawan doonaa ciida ku beegan.

Inkastoo daawadayaasha arinkaas dan ugu jirto maadama labo xidig weyn aflaam weyn masraxa soosaaran doonaan hadana waxaa xaqiiq ah ganacsiga Filimadan ineysan arinkaa faaido ugu jirin oo qasaaro kala kulmk doonaan.

Kumar ayaa markii ugu horeysay wax laga weydiiyay arinkaa waxuuna yiri,”ma ahan wax cusub in xidigo waaweyn aflaamtooda isku dhacaan waana la qabsaday arinkaa sababto ah waligey ayaa dagaal Box-office gali jiray hada kadibna waan gali doonaa laakiin saameyn weyn ayuu yeelan doonaa dagaalkan maadama labo Filim waaweyn xili fasax isku dhacayaan waanse u bartay aniga dabci ahaan.”

Waxaa la sheegay inee wada kulmeen labadan atoore kana wada hadleen inee kala leexiyaan taariikhaha labada Filim lawada daawanaayo waliba fikirkaas Sallu ayaa keenay sida la sheegay maadama labada dhinac qasaari ku qabaan hadee isku dhacaan labada Filim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here