Bollywood Khiladi Aka Akshay Kumar ayaa noqonaayo atooraha ugu mushaarka badan Bollywoodka waqtigaan la joogo iyo abid maadama mushaarkiisa cusub waligeed atoore la siinin iskoor horleh ayuuna furayaa xidigaan.

Kumar waxaa looga bartay madadaalada daawadayaasha oo uu sifiican u bartay isagoo sanad walba fariimo kala nooc ah u sameyso sida shactiro, dagaal taariikhi ah, arimaha qoyska, arimaha bulshada iyo fariimo kale.

Waxaa la sheegay Akshay Kumar suuqiisa mushaaraadka inuu sare uqaaday hada kadibna Filimada uu ku sameyn doono lacago dhan 120 Crore ($16.9M) waana lacag aad iyo aad u badan waliba Filimkiisa xiga ee uu Director-ka kayahay Anand L Rai ayuu mushaarkan ku dhaqan galin doonaa.

Mashruucan cusub ayuu ku qaadan doonaa 120 Crore sida la sheegay waana mushaar uu uqalmo kooxda Filimkaasna ay soo dhaweyeen maadama Akki waqtigaan awoodiisa kaliya tiyaatarada ku ekeen ee dhankaa iyo Tv-yada xitaa Filimadiisa si waali ah kaga gadmaan dalabkiisa dhaqsi ayaa la aqbalay.

Dhanka kale 2019 waxuu ku raaxeystay xidigaan 4 Filim Hit dhameestiran u noqdeen oo kala ah Mission Mangal, Kesari, Houseful 4 & Good Newwz halka 2020 uu la imaan doono afar kale markale ayuuna rabaa taariikhdii 2019 inuu dib usoo celiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here