Akshay Kumar ayaa Police-ka Mumbai ugu baaqay inee shaqaaleysiiyaan atiriishada caanka ah Kareena Kapoor Khan sabab la xiriirta inee tahay qof xog ogaal badan xan iyo xaqiiqba qofka ugu horeya ee ogaan karana ay tahay.

Arinkaan ayaa waxay dhacday xili kooxda Sooryavanshi ay ka qeyb galayeen barnaamijka The Kapil Sharma Show ee tv-yada laga daawado waxayna halkaas u tageen inee Filimkooda xayeysiiyaan waxaana kooxdaas kamid ahaayeen Akshay Kumar, Rohit Shetty iyo Katrina Kaif.

Sido kale goobta qaar kamid ah Police-kan Mumbai ayaa lagu casuumay meesha waxaa lagu soo hadal qaaday Kareena Kapoor iyo dadka ugu xog ogaalka badan Bollywoodka oo horey ayuu Karan Johar usheegay.

Karan Johar ayaa barnaamijkan hada kahor ka yiri,”wasiirka xanta iyo war faafinta waxaan Bollywoodka kaga dhex dooran lahaa Kareena Kapoor maadama ay tahay qof wax walb durba ogaan karta waxay leedahay koox badan oo la shaqeyaan.”

Director Rohit Shetty ayaa Karan Johar arinkaa ku waafaqay waxuuna yiri,”aniga Karan arinkaa waan ku raacsanahay sababto ah waxaan xusuusta hadda kahor mar aan howsha Chennai Express ku guda jiray (2013) waxaa jiray kulan aan laheen aniga, Kareena Karan iyo koox kale kadib Kareena ayaa si lama filaan maalintii kulanka kahor u arkay waxaana usheegi rabay macluumaadka kulanka waxayna idhahday wax walbo waan ogahay adiga wax waad iga qarsatay laakiin aniga xog walba waan ogahay ee kulanka ayaa inoo balan ah maalintaas ayaa dareemay inee Kareena duulkale la shaqeyaan oo xog walba usoo gudbiyaan.”

Akshay oo jecel inuu foodeyo Kareena ayaa hadalka qaatay misane yiri,”aniga fikir ahaan waxaan qabaa in Kareena Police-ka Mumbai ay la shaqeyso misane askari dharcad laga dhigo waayo waa qof xanta dadka soo uruuriso sido kalena sir walba iyo war walba dhaqsi ogaan karta sidaa aawged Police-ka ayee xog badan ka caawin kartaa.”

Kareena markee xalqadaan daawato maxay dhihi doontaa hadda kahor xalqadii Karan markee daawatay afke qabsatay weyna iska fogeysay inee tahay wasiirka xanta iyo war faafinta Bollywoodka markaana Akshay iyo Rohit ayaa ku camirteen kkkkk.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here