Jilaaga caanka ah Superstar Akshay Kumae ayaa si heer sare ah uwado xayeysiin u sameeynta Filimkiisa Good Newwz ee la daawan doono 27 bishaan December waana filimkiisa 4-aad sanadkaan gudihiisa uu la yimaado.

Kumar ayaa shaaca ka qaaday inuu sanad walba ku dadaali jiray 3 filim inuh sameeyo mar uu Mumbai Mirror wareysi siinayey ayuuna arinkaan ka hadlay waxuu a yiri,”waan ogahay Flop badan inaan sameeyay hadana saas eetahay sanad walba 3 Filim ilaa 4 filim inaan sameeyo ayaan ku dadaali jiray.”

Despite giving so many flops, I always had three-four films in a year, says Akshay Kumar

“Isma dhigan mana caajisin oo mana niyad jabin waayihii adkaa oodhan mudo 30 sano kudhowaad ayaa fanka kujiraa madhicin sanad kamid ah oo shaashadaha la iga waayey ama wax filim ah aanan la imaanin.”

Ayuu yiri Akki sida guud xidigaan marxalado adag ayuu soo maray xitaa mar ayaa loo bixiyay oo laga daba dhihi jiray oraahda ah “ubax qalalay oo aan dib loo qooyi karin” sababtana waxay ahed in filimo guuldaresteen uu sameyn jiray balse maanta waa Superstar guusha u saaxiib ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here