Akshay Kumar waa mid ka mid ah jilaayasha ugu kartida badan Bollywoodka wuxuuna had iyo jeer ku guuleystaa inuu sameeyo wixii karaankiisa ah.

Dhaawan waxaa usoo bixi doono filimka la wada sugaayo ee Sooryavanshi oo ku jili doono sarkaal u xil saaran la dagaalanka Argagixisada, taageerayaashuna sidoo kale waxay arki doonaan Ajay Devgn iyo Ranveer Singh oo u soo bandhigaya goob faneed heer sare ah.

Mar wax laga waydiiyo waxa ku kalifay inuu la shaqeeyo Rohit Shetty, wuxuu sheegay inay isku dayeen inay laba jeer wada shaqeeyaan kahor Sooryavanshi, laakiin arrimuhu usan shaqeynaynin.

Wuxuu sheegay inuu lumiyey ku dhawaad ​​sideed ilaa iyo sagaal kiilo oo culeeskiisa ah si uu ugu ekaado sarkaal ATS ah. Waxaa sidoo kale la weydiiyay wada shaqeynta Rohit Shetty iyo haddee wada sameen doonaan filim shactaro ah wuxuuna yiri ” taasi waa suurta gal, waxaan u maleenaa Golmaal iyo Hera Pheri in aan taxane ka sii wadno.”

Akshay Kumar ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Ajay Devgn iyo Ranveer Singh ay ogolaadeen inay doorar yar ka qabtaan filimkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here