Superstar Akshay Kumar ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaaday inuu cabo kaadida lo’da oo uusan gurigiisaba ka bixin isagoon koob kaadi ah qac kasiinin arinkaan ayaana kamid ahaa waxyaabaha sirta ugaarka ahaayen Mr.Khiladi balse uu dhowaan shaaca ka qaaday.

Akki sidaan wada ognahay waxuu kusugnaa Scotland halkaasu uu ku duubayey filimkiisa Bell Botom jilaagan ayaa suxufi reer galbeed ah meesha ku booqday waxayna ku balansanaayen in wareysi live ah laga qaadi doono Kumar.

Hadaba Kumar ayaa live soo galay dhanka internet-ka halkaas ayaana suaalo badan lagu weydiiyay waxuuna ka hadlay waxyaabo noloshiisa gaar u ah oo uusan waligiis ka hadlin waxaa la weydiiyay dhowaan mar uu cabay kaadi maroodi oo shaah laga sameeyay.

Wuu qirtay jilaagan waxuuna sheegay inee caafimaad leedahay sido kale waxuu sheegay inuu subax walba qac ka siiyo ama cabo koob kaadi lo’ ah waxuu yiri isagoo hadlaayo,”gurigeyga kama soo baxo anigoon cabin kaadi lo’.”

“Sido kale qoyskeyga waxay dhibsadeen shaaribka dheer ee aan reebto mararka qaarna wey dhibsadaan caadadan iigaarka ah balse waxaan aaminsanahay in caafimaad weyn kujiro cabista kaadida lo’da waana dhaqan.”

Reer hindiya waxay aaminsanyihiin cabista kaadida lo’da ineetahay caafimaad dhameestiran mudo 5000 sano kabadan ayeena sidaa sameynayaan waana dhaqan soo jireen ah waliba hab fiican oo ay caafimaad ugu yeeraan ayaa loo diyaariyaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here