Bollywood Khiladi Kumar 90-maadkii waxaa loo yaqiinay “Shabeel-naagood” oo loola jeedo mid ku waalan dumarka oo gabdho badan isku dul shukaansaday intii uu Bollywoodka kujiray 10-kaas sano.

Balse ma ahan dabeecadaas mid uu bilaaway markii uu Bollywoodka yimid ee kahor ayuuba ahaa nin gabdho badan xiriir la sameeyay sheekoyinkaasna macalin weyn ku ah.

Ma ogtahay Akhristow Akshay Kumar inuu xitaa shukaansaday macalimadiisa iskuulka xiligaasna da’ahaan waxuu u dhaxeeyay 15 sano ilaa 20 sano inta udhaxeysa natiijadii uu ka helay iskudaygiisana waxay noqotay dharbaaxsho kulul.

Waxaa la sheegay inuu jeclaaday gabar qurux badan oo macalimad iskuulkiisa ka ahed maba sugine durba waxuu go’aansaday inuu jaceylkiisa u sheegto.

5 ilaa 7 sano ayee ka weyneed da’ahaan oo iyadaba gabar dhalin ahoo dhalaaleysa ayee ahed maalin maalmaha kamid ah ayuu dantiisa usheegtay gabadha oo xanaaq badneed aawged dharbaaxo uu la naxay ayee ku dhufutay.

Waxayna ugu dartay canaan ah sababta iyadoo macalimadiisa ah uu barnaamijkas ula imaan karo heer maamulaha iskuulka lagu dacweeyo sheekada Kumar sanadkii 2016 ayuu wareysi ahaan dadka oga sheekeyay.

Waliba waxuu kudaray hadalkiisa marka uu soo xasuusto nolosha dhalinyarnimadiisa inuu aad iskula yaabo ficilada qaarkoodna wuu ka qoomameyaa hader waa oday barnaamijadaas joojiyay caruur koris iyo shaqo Bollywood usoo jeedsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here