Home » Nolosha Jilaayaasha » Akshay Kumar Oo Talo Muhiim Ah Siiyey Dhallinyarada Dooneysa Inay Jillaayaal Noqdaan, Mase Ogtahay Inuu Seddaxdaan Jillaa Taageeri Jiray?

Akshay Kumar Oo Talo Muhiim Ah Siiyey Dhallinyarada Dooneysa Inay Jillaayaal Noqdaan, Mase Ogtahay Inuu Seddaxdaan Jillaa Taageeri Jiray?

Akshay Kumar ayaa talo muhiim ah usoo jeediyey shaqsi walba oo doonaya inuu jillaa noqdo, isagoo duubaya barnaamijka The Great Indian Laughter Challenge.

Ka hor inta uusan bilaabin duubista barnaamijkaan laga daawan doono hillinka Star Plus, Akshay Kumar ayaa waqti siiyey taageereyaashiisa. Mid ka mid ah taageereyaasha oo hadda ah kabalyeeri ayaana ka codsaday inuu talo siiyo maadaama uu doonayo inuu jillaa noqdo.

Khiladi Kumar ayaa u sheegay taageerahaas inuu soo xasuusiyey maalmihiisii adkaa, maadaama Akshay Kumar uu qudhiisu kabalyeeri soo noqday. Ka dibna Akki ayaa ku yiri wiilkaas dhallintayar: “Marwalba waa inay hortaada yaallaan ujeedooyinkaaga noloshu.

“Markii aan kabalyeeriga ka ahaa Bangkok, waxaan ahaa ujeedooyinkiisa noloshu ay hortiisa yaallaan, tusaale ahaan sawirrada atariisho Sridevi ayaan marwalba eegi jiray, sidoo kale sawirrada Sylvester Stallone iyo Jackie Chan ayaan eegi jiray marwalba oo aan shaqeynayo. Si ay dhiirigelin iigu noqdaan.

“Waxaan aaminsanahay in taasi ay iga caawisay inaan jillaa noqdo maadaama ay taasi igu hagtay inaan gaaro yoolkeyga iyo riyadeyda. Maanta waxaan dhihi karaa sharaf ayey ii tahay inaan seddaxdooda Sridevi, Sylvester Stallone iyo Jackie Chan lasoo shaqeeyey ama xiriir aan yeelanay”.

Sidaas darteed Akki wuxuu si maldahan u tilmaamay inuu taageere u ahaan jiray atariisho Sridevi, Sylvester Stallone (Rambo) iyo Jackie Chan yaraantiisii.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *