Qof walbo ayaa jecel in Akshay Kumar iyo Saif Ali Khan shaashada kasoo wada muuqdaan waxaana laga wada helay filimada ay isla sameeyeen xili wada shaqeyntoodii soo bilaabatay horaantii 90-maadkii waxayna isla sameeyeen filimo badan oo caan ah kuwaas oo ganacsi ahaan guuleesteen ama guul dareesteen.

Sida haatan diiwaan gashan Akshay iyo Saif waxay isla sameeyeen 6-filim oo ay door dhameestiran ku leeyihiin balse haatan mudo 12-sano ah wax filim ah ma aysan isla sameenin waxaana la rajeynaa mustaqbalka dhow inay mar un dib u wada shaqeeyaan si ay shaashada wacdaro kaga dhigaan.

Fadlan hoos kaga bogo filimada Akshay Kumar iyo Saif Ali Khan isla sameeyeen xiliga la daawaday, ganacsigooda iyo natiijadooda rasmiga ah:

1. Yeh Dillagi (1994) wuxuu soo xareeyay 5.72 Crore waana HIT

2. Main Khiladi Tu Anari (1994) wuxuu soo xareeyay 7.88 Crore waana HIT

3. Tu Chor Main Sipahi (1996) wuxuu soo xareeyay 6.19 Crore waana Below Average

4. Keemat (1998) wuxuu soo xareeyay 5.18 Crore waana Flop

5. Aarzoo (1999) wuxuu soo xareeyay 5.59 Crore waana Flop

6. Tashan (2008) wuxuu soo xareeyay 29.35 Crore waana Below Average.

Sida xogta sare ka muuqato Akshay iyo Saif waxaa u guuleesteen 2-filim halka 4-filim ka guul dareesteen balse filim walbo oo ay isla sameeyeen waa mid caan ah oo aan daawashadiisa laga xiiso dhigeyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here