Waxaan horey idin kula wadaagnay in Superstar Akshay Kumar filimka weyn Prithviraj hogaamiye ka yahay looga hadlaayo nolosha suldaank dagaalyahanka ahaa Prithviraj Chuahan ee reer Rajput kasoo jeeday waxaana mashruucan maal galineyso shirkada Hindiya ugu weyn Yash Raj Films.

Haatan waxaa la ogaaday Superstar-ka awooda badan ee halyeega ah waa Sanjay Dutt Akka Sanju Baba inuu laadar ka noqon doono wuxuuna matalayaa door xaqiiqo ku saleesan oo lagu magacaabo Muhammad Ghori waxayna wada dagaalami doonaan suldaan Prithviraj Chauhan oo uu Akshay Kumar matalaayo.

Sanjay Dutt iyo Akshay Kumar ayaa la sheegay todobaadyada nagu soo fool leh tababar dagaalka seefaha iyo fardaha wada sameyn doonaan ka hor inta aysan duubista filimka Prithviraj bilaabanin bisha November ee isla sanadkan ayaa la sheegay inay diyaar garrow adag sii gali doonaan.

Filimka Prithviraj waxaa la daawan doonaa Diwali 2020 warar kalena oo aan heleyno waxay sheegayaan in Sanjay Dutt xitaa macquul tahay inuu filimkan ku matalo door kale oo awood badan oo ah Kaka Kanha oo ahaa suldaan Prithviraj adeerkiisii marwalbo dagaalada garabka ku siin jiray laakiin waxaa loo badinaa in Dutt filimkan doorka laadarnimo ku matali doono laguna soo dari doono atoore kale oo Akshay adeerkiisa ku matali doono waxaana filimkan Director ka ah Dr. Chandraprakash Dwivedi .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here