Suaashan oo ah suaal lagu kala saarayey awooda atoorayaasha kala ah Akshay Kumar, Suniel Shetty, iyo Ajay Devgn waxaa hada kahor la weydiiyay shabakada Box-office India waana suaal dad badan u baahnaayeen jawaabteeda.

Waxayna ka bixiyeen jawaabtii ugi saxsaneed taaso cadeyneysay in Suniel Shetty (Balwan) ahaa atooraha ugu awooda badan marka seddexdooda loo eego xiligii 90-maadkii awooda jilaagana waxaa lagu cabiraa seddexda maalmood ugu horeyaan siduu Filimkiisa u iibiyo.

Hadaba jawaabta BOI ka bixiysa suaashan hoos kaga bogo:

In badan Suniel ayaa awood badnaa fagta hore ama sedexda maalmood filimadiisa si waali ah ayaa looga daawan jiray tiyaatarada Single Screens iyo gobolada dhexe iyo fog fog kaliya Sunny Deol ayaa tuulooyinka kaga shacbiyad badnaa.

Balse Ajay iyo Akshay waxay Suniel ku dhaafeen la shaqeynta filim soo saarayaasha sameeyaan aflaanta tayada wanaagsan in badan Suniel filimadiisa waqtiga saxda ah tiyaatarada lama saari jirin wey soo daahi jireen taasina waxay sababtay markii dambe inuu la tartami waayo Akshay iyo Ajay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here