Superstar Akshay Kumar filimkiisa Laxmi Bomb ciwaano kala duwan ayuu sameenayaa markii hore waxaan ogeyn in rajada laga qabo mashruucan Ciidul Fitrigan ama 22-ka May 2020 la daawado madaama weli tiyaatarada Hindiya xiran yihiin rajada la qabana ay tahay in bilaha June ama July xaalada caadi kusoo laaban doonto.

Maal mihii ugu dambeesay waxay warbaahinta Hindiya qoreesay in kooxda filimka Laxmi Bomb iska leh oo hormuud u yahay Tushaar Kapoor oo sheekada filimkan soo iibsaday markii ay Tamil ahayd filimkii Kanchana ayaa doonayo in mashruucan ka iibsado shirkadaha aflaanta sida Online-ka ah barahooda looga daawado weliba shirkada Disney+Hotstar ayaa lacago aad u fara badan kooxda filimkan u sheegtay..

Balse taageerayaasha Akshay Kumar ayaa ka hor imaadeen arintan waxana gadood xoogan ka wadaan baraha bulshada ayagoo fariimo kala duwan u diyaraan Kumar waxayna ku dalbanayaan arintan inuu diido oo filimka Laxmi Bomb Online ahaan loo daawanin oo la hakiyay marka ay xaalada caadi kusoo laabatana tiyaatarada filimkan laga daawado.

Filimka Laxmi Bomb waxaa Director ka ah Raghaw Laurance waa xidiga reer Tamil ee hogaamiye ka ahaa sedexda qeybood taxaha Kaanchi ee sheekada filimkan laga soo min guuriyay isla asaga ayaana Director ka ahaa waxaa sidoo kale xusid mudan in atirishada Kiara Advani mashruucan Akshay Kumar la jileyso mar horena duubistiisa soo idlaatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here