22da bisha May sanadkaan kuna beegan Ciidul Fitriga waxaa dhici doono mid kamid ah isku dhacyadii ugu waaweynaa ee Box Officeka ka dhaco dhawaanahaan maadaama hal maalin tiyaatarka la isla saari doono filimada Laxxmi Bomb iyo Radhe oo ay kala hogaaminayaan Akshay Kumar iyo Salman Khan.

Balse dagaalka filimadaan u dhaxeeyo ayaa durba bilowday kadib markii Salman khan qeybinta cajaladaha filimka Radhe masuul uga dhigay shirkada YRF oo galaangal xoogan la leh kooxaha tiyaatarka iska leh waxayna doonayaan in tiyaatarka ugu badan la wareegaan.

Balse shirkada Fox Star ayaa dhankeeda dagaalka kasoo gashay ayadoona kooxda tiyaatarka iska leh shuruud uga dhigtay in filimka Baaghi 3 hadii ay doonayaan iney ka macaashaan in tiyaatarka ugu badan iyaga lasiin doono ciidul fidriga.

Fox Star iyo kooxaha tiyaatarka leh wali ma aysan heshiinin waxaana muuqato in dagaalka ciidul fidriga durba uu bilowday waxna la isku reeban doonin.

Haatan dagaalka ugu culus waxaa loogu jiraa sidii loo kala tiyaataro badsan lahaa wuxuuna dagaalka xoogiisa ka socdaa dhanka shirkadaha filimadaan cajaladahooda qeybin doonaan ee Yesh Raj Films iyo Fox Star.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here