Home » Nolosha Jilaayaasha » Akshay Kumar “Wal Wal Kama Qabo Ganacsiga Uu Padman Box-office-ka Ka Sameyn Doono!!

Akshay Kumar “Wal Wal Kama Qabo Ganacsiga Uu Padman Box-office-ka Ka Sameyn Doono!!

Super Star Akshay Kumar ayaa kalsooni weyn muujinaayo sido kalena aanan isku wareerineynin ganacsiga uu Padman sameyn doono.

Akki ayaa saxaafada wareysi la yeeshtay xili uu xayeysiin usameynaayey sido kalena hees kamid ah filmkiisa soo bandhigayay waxaana wax laga weydiyay xidigaan hadii wal wal uu ka qabo ganacsiga Padman Box-officeka kasameyn doono.

Waxuu ku jawaabay Akshay sida tan,”Kama fikiraayo ganacsiga uu Padman Box-officeka ka sameyn doono mana isaameyneso xitaa hadii uu ganacsi yar ka sameyo Box-officeka.”

“Waxaa ii farxad ah misane sheeyga ugu weyn ee aan heysta kana helay filmkaan ah marka aan arkay dad ka hadlaayo mowduuca filmkaan aan oga hadlaayo kaaso ah dumarka caadada kudhacda hadana agab nadiif ah heysanin marwalba oo aa barteyda baraha bulshada kala furo waxaan arkaa dad ka doodayo mowducan waana sheeyga iigu weyn filmkan.”

Filmka Padman waxuu Box-officeka kula dagaalami doona FIlmka Padmaavat waxaana la wada daawan doona 25 bishan Jan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *