Zero, Thugs of Hindustan, Race 3 iyo Bharat ayee la imaadeen labadii sano u dambeysay seddexda Khans aflaam ahaan waxaana guulesteen 2 kamid ah halka Akki la yimid Padman, Kesari, Gold, 2.0, Mission Mangal iyo Houseful 4 oo todobaadkan la sugaayo.

Waxaa cajiib ah in wadarta guud SRK, Salman iyo Aamir ay sameyeen 4 Filim mudo 2 sano ah inkastoo Sallu Dabangg 3 u dhiman yahay hadana saas ee tahay 2 Filim ayaa guulesteen oo Salman lee yahay.

Halka Akki la yimid 4 midkii 5-aad na todobaadkan la daawanaayo waxaana xusid mudan in dhamaan wada guulesteen marka si fudud Khans-ka waxaa ka guulo badan Akshay Kumar.

Laakiin Akshay Kumar caqabad ayaa heysato oo ah inuu guul weyn gaarsiiyo Filim miisaaniyad weyn xambaarsan sida ilaa 200 Crore oo kale waana mida ay dheeryihiin Seddexda Khans xidigaan waxaa laga rabaa in aflaamtiisa 200 Crore ilaa 300 Crore keenaan si uu awood ahaan u tiiryo Khans-ka.

Balse hada isagoo aflaamtiisa 200 Crore gaarin wali ayuu ka guulo badan yahay oo 2 sano 4 Filim 100 Crore ka talaabsadeen ayuu sameeyay yaawaye atooraha sidaas sameeyn kara aan Akki ahen hubaal ahaan sidan haduu kusocdo kursiga Salman hogaanka ku hayo si fudud ayuu kaga dhacsan karaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here