Superstar Akshay Kumar ayaa muuqaal iskasoo duubay asigoo dhalinyarada baaq u diraayo kana hadlaayo xaalada maanta dunida kajirto una sheegay ahmiyada ay leedahay nafta insaanka waxuuna dadka ugu baaqay iney joojiyaan ficilada nacasnimada ah.

Kumar ayaa shalay muuqaal iskasoo duubay marka hore waxuu ka tacsiyooday is-dilka Sushant waxuu yiri,”Sushant waxuu ahaa atoore dhameestiran waana wax laga xumaado inuu dhaqsi naga baxay waliba isagoo da’yae qiyaastiina 34-jir ah qof walba oo maqla dhacdadiisa wuu ka murugoon hubaal ahaan suaasha kowaad ee la is weydiiya ayaana ah maxuu isku dilay isagoo dhalinyaro ah.”

“Balse Sushant ma bilaawin dad ka horeeyay ayaa jiraan oo iyagoo dhalinyaro ah sidaas nafta isku dhaafiyeen qofkii tagay wuuba tagay maxaa xal u ah kuwa nool midaas ayaan rabaa inaan ka hadlo.”

Kumar oo wacyi galinaayo dhalinta maanta hadalkiisana siiwato waxuu yiri,”waa run inee jiraan daruufo badan oo aadan xamili karin heer aad ku fikireyso inaas dunida ka tagto laakiin waxaad ogaata dunidan dhib walba xal ayuu leeyahay inta aadan is-dilin kahor soo xasuuso ama ku fikir sidaa dhibkaada ku xalin laheed waxaa macquul ah kuwa qaar inee wax aan micno laheen isku dilaan.”

“War inta aad bilaa micno naftiina u jari laheedeen ugu yaraan dalkiina ayaa idiin baahan u hura naftiina oo idinkoo difaacayo geeriyooda markaas waxaa la idin dhahaa geesiyaal qaran oo naftooda u huray dalkooda laakiin hadaa waxyaabo kale bilaa micno ah iyo daruuf aduunyo isku disho ogow geesi laguma dhahaayo ee doqon ayaa lagu dhahaa dhalinta maanta waxaan ugu baaqa inee nolosha la dagaalamaan nafta waa macaan ciyaar-ciyaar ha isku dhaafinina.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here