27 bishaan December waxaa la daawan doonaa filimka sida weyn loo wada sugaayo ee Good Newws kaaso ay hogaamiyaal ka yihiin xidigaha kala ah Akshay Kumar, Kareena Kapoor, Kiara Advani iyo Diljit Dosanjh.

Filimkaan waxuu ka hadlaan lamaanayaal kudhiban side ubad u dhali lahaayen noloshana wax ka maqan malahan marka laga reebo inee caruur helaan markee xal kale heli waayaan ayee la xiriirayaan xarun caafimaad si hab bacramin ah u isticmaalaan.

Waxaa hader socoto xayeysiin u sameeynta mashruucan arinka xiisaha leh ayaa ah in Akshay Kumar shaaca ka qaaday arimo xiiso leh intuu mashruucan xayeysiinayey mid kamid ah arimahaas ayaa ah in Kareena Kapoor isku dhibeen intii Good Newws la duubayey.

Good Newwz: Akshay Kumar reveals Kareena Kapoor Khan spat on him numerous times on the sets!

Waxuu sheegay marka laga soo tago kaftanka iyo foodada labadooda ka dhaxeyso inee xidigtaan dhowr jeer candhuuf wajiga kaga tuftay Akki balse si kutalo gal ah ma aheyn xili uu ka qeyb galaayey barnaamijka Kapil Sharma ee Tv-yada laga daawado una sameeynayey xayeysiin mashruuciisa Kareena na lajirto waxuu yiri.

“Kareena waxay kamid tahay dadka markee kor u hadlayaan afkooda candhuufta kasoo faniinto ama duul duul ahaan kaga soo baxdo (wey maqleysa markuu sida leeyahay).”

“Muuqaalka Bebo ay ku jileyso qof dhalaayo dhowr jeer ayaan duubnay oo ku cel celinay intuu naga khaldamay sabab la xiriirta in Bebo markee qeylineysay afkeeda candhuuf kaso fakaneysa duul duul ah wajigana iga gaareysay.”

Kareena ayaa iska qosleysay markuu Kumar sidaa lahaa isagoo sii raaciyay Bebo waan ka duubi waayey Good Newws oo candhuuf ayeeba ka bixi weysay inee igu tufto .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here