Home » Nolosha Jilaayaasha » Akshay kumar”super star in la iigu yeero mudane Rajnikanth hortiisa waxay lamid tahay in isaga la aflagaadeyay ama la caayey”

Akshay kumar”super star in la iigu yeero mudane Rajnikanth hortiisa waxay lamid tahay in isaga la aflagaadeyay ama la caayey”

2.0 waa filmka ugu weyn ee 2018 lasugaayo waxaana hogaamiyaal ka ah Rajnikanth iyo Akshay Kumar waana film laga rajo qabo inuu dhamaan iskoorada Box-officeka burburiyo kuwa cusubna dhigo.

Hadaba xili filmkaan heesihisa qaar kamid ah lasoo bandhigayey waliba ayadoo Dubai lagu sugnaay ayaa waxaa dhacday in Karan Johar uu Akki ugu waco Super Star iyo Hit Machine of Bollywood.

Akshay ayaa arinkaan ka jawaabay asigoo xushmad u muujisay Super Star Rajnikanth wuxuuna yiri,”Super Star in la iigu waco mudane Rajnikanth hortiisa waxay lamid tahay in isaga la aflagaadeyay, sidaa awged hadiiba qof Super Star loogu yeerayo xaqiiq ahaan isaga ayaa mudan waayo wuu uqalmaa.”

Filmka 2.0 waxaa atiriisho ka ah Amy Jackson halka uu Director ka yahay S.Shankar waxaana qorshaha ah in la daawado 27 April 2018.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *