Filimo dhowr ah ayee isla sameyeen Akshay Kumar iyo Kareena Kapoor sida Ajinabee, Talaasj, Aitraaz ilaa midkooda ugu dambeeyay ee Kambakht Ishq waa lamaane shaashada hadee kasoo wada muuqdaan saameeyntooda wataan.

27 December waxaa tiyaatarada loo saari doonaa Filimkooda 7-aad oo ay hogaamiyaal ka noqdeen ee Good Newwz mashruucan arimaha qoyska ka hadlaayo balse hab shactiro ah loo sameeyay daawadayaasha xili hore ayee ka heleen oo tikit-ka lacagtee ku iibsan lahaayen sii diyaarsadeen maadama dadkii qosol kalyaha kuka xanuunay goos gooska mashruucan laga soo bandhigay.

Kumar oo kulan la qaatay Hindustani Times wareysina siiyay waxuu kaga hadlay arimo badan oo atiriisho Kareena qeyb ka tahay goobta ayuu ku ammaanay xidigtaan iyo inee tahay atiriisho karti badan waxuu yiri isagoo hadlaayo.

“Madadaalo kuuma dhino marka aad Filim la sameeyneyso Bebo (Kareena Kapoor Khan) waa qof dabci wanaagsan dhanwalba markaan ka qiimeeyay aad ayaan ugu farxaa la shaqeynteeda waxaan u xiisaa kaftankeena, foodadeena, farakacayaarkeena iyo wax walbo oo duubista inte socoto aan wadaagno.”

“Waa hooyo, xaas, hadane atiriisho ah sido kalena asaxaab badan leh oo aniga kamid ahay waan la dhacay kartideeda ay ku maamusho howsheda guriga iyo mida Bollywoodka weyna adagtahay qof sideeda kale ah in la helo waqtigaan.”

“Waan ogahay daawadayaasha inee xiiseynayaan wada shaqeynteena balse ma oga anaga inaa kasii xiiso badanahay maalin ayaa kudhahay Bebo maxaa Filim walbo aniga le iila sameyn la’dahay oo atoorayaasha kale iska dhaaftid? Waxay igu tiri inaa idhibto lee maa ka heshaa? Waxaan kudhahay farxad iyo madadaalo iima dhina markaan kula shaqeynaayo.”

Good Newwz waa Filimkii 7-aad ee Akshay Kumar iyo Kareena Kapoor isla sameyeen aan aragno haduu Hit noqdo maadama 6-dii Filim hore iskula sameyeen midna Hit dhameestiran noqonin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here