Hadii uu Bollywoodka kujiro atoore Kareena Kapoor muuqaalada ugu badan ee dareen ku dheehan shaashada kula wadaagay waa Akshay Kumar inta badan filimada ay la sameeysay Akki nabad kama aysan helin.

Kareena sifiican ayee u taqaana Akki oo bilawgii waayaheeda fanka ayee soo aragtay shartiisa hader wararka ayaa sheegayaan in filimka Good News kujiraan muuqaalo dareen ku dheehan oo ay wadaagayaan Akshay Kumar iyo Kareena Kapoor Khan.

Ma ahan war rasmi ah balse xanta sidaas ayee sheegeysaa oo Bebo ayaa shaashada markale shumiska bishimaha kula wadaagi doonto Akki filimka Good News ee la daawan doono dhamaadka sanadkaan.

Filimkii u dambeyay ay wada sameyaan waxuu ahaa Kambakkht Ishq oo 2009 la daawaday muuqaalo dareen kudheehan iyo shumis ayee ku wadaageen mashruucaas hadaba in kabadan 10 sano oo aysan wada shaqeenin Akki ayaa markaan rabo markale inuu shumis Bebo shaashada kula wadaago.

Hadaba Bebo maka ogolaan doontaa Khiladi Kumar shumis kale mise sheekadan xanta ah xanlee ku ekaan doontaa waxaa la ogaan doonaa marka goos gooska mashruucan lasoo bandhigo.

Good News waxaa kaloo doorar muhiim ah kuleh Diljit Dosanjh iyo Kiara Advani waana filimk nolosha qoyska ka hadlaayo balse hab shactiro loo dhigay sheekadiisa Karan Johar ayaana qarash gareynaayo 27 Dec ayaana tiyaatarada la saaraa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here