Waxaan maanta subaxii hore idiin la wadaagnay in Superstar Akshay Kumar ku dhawaaqay cabista kaadida lo’da inuu joogteeyo maalin walbana hal koob cabo kahor intuusan gurigiisa ka bixin.

Kumar ayaa sido kale sheegay in caafimaad weyn kujirto kaadida lo’da sido kalena cuduro badan kaa difaaceyso waxuu tilmaamay waxyaabaha caafimaadkiisa ka taxadaraan inee kow ka tahay xili uu Instagram-ka live kaga jiray oo la wareysanaaey ayuu sidaa yiri.

Hadaba taageerayaasha Akki gaar ahaan kuwa hinduga ah ayaa ilaa maanta Google-ka ku mashquulsanaayen iyagoo arinkaann baarayaan waxaana lasoo saaray baaritaanadii udambeeyay iyo wayxaabaha ugu badan dadka Google-ka ku qoreen sida sawirka hoose aad ka arki karto.

Dadba rabaan inee ogaadan in caafimaad kujirto cabista kaadida lo’da dhanka kale siyaasiyiin hindu ah ayaa ku baaqeen in la cabo kaadida lo’da oo waxay dhaheen waxay daweysaa cudurada sida Karoona iyo Kansar arinkaan ayaana maanta muran badan ka dhaliyay barta Twitter-ka.

Waxaa la sheegayaa in hindiya xarun weyn lagu sameeynaayo misane kaadida cabisteeda sida cabitaanka oo kale loogu iibinaayo si shicibka u cabaan ugua caafimaadan xili halkii koob kaadi ah qaali laga dhigi doono oo dad ayaaba ka ganacsanayaan arinkaas ayaa dad badan kasii yaabiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here