Akshaye Khanna waa jilaa caan ah oo qaab jiliinkiisa aad loogu ammaanay aflaam fara badan ee uu sameeyay filimadiisa ugu wanaagsan waxaa kamid ah Deewangee, Humraaz, Hungama, Aa Ablot Chalen, Race iyo kuwa kale oo badan.

Khanna murugada ugu weyn noloshiisa waxay soomartay sanadkio 2017 ama 2 sano kahor markui ka geeriyooday aabihiis Vindo Khanna ahna xidig weyn bari samaadkii Bollywoodka wacdaro ka dhigi jiray.

Soomaalida waxay rugcadaadan u taqaana Mastaana, hadaba Vinod ayaa u geeriyooday cuddurka Kansarka waxuuna ahaa siyaasi dowlada Hindiya kamid ah 2 April 2017 ayaa isbitaal la dhigay kadib markuu bilaaway fuuq bax iyo shuban daran.

Balse 27 April 2017 ayuu geeriyooday dunidana macsalaameyay waxaana la sheegay in Kansar sabab uahed geeridiisa isla maalinkaas galinka dambe ayaa lagu gubay meeydkiisa magaalada Mumbai.

Geeridiisa adduun weynaha aad ayee oga naxeen maadama nin caan ah uu ahaa qoyskiisa ayaase si weyn oga murugoodeen Akshaye Khanna hortiisa ayaa lagu gubay aabihiis meeydkiisa murugada ugu weyn noloshiisa soo martay ayuu ku tilmaamay xidigaan geerida aabihiis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here