Akshey af waxba waa looga qaadi waayay xili kuwii xumaanta la daba taagnaa afkii juuqda gabay iyo Housefull4 oo rikoor weyn soo wado.

0
1986

Inaba caadi ma ahan filimka Housefull4 oo qarka u saaran inuu noqdo filimkii ugu horeeyay Akshey hogaamiye kayahay oo 30 crore soo xareeyo si lamid ah filimka hal maalin lacagaha ugu badan soo xareeyay xili maanta si waali ah ku gadmaayo inkastoo ay waliba jirtay dacaayad kadhan ah filimkaan isla markaasna baraha bulshada loo galiyay dhaliil xun hadana Housefull 4 ayaa siweyn ku gudmaayo maanta oo isniin ah.

Sanadkii hore ciida kirismaska waxaa la saaray filimka Zero oo uu hogaamiye kayahay waxaana laga faafiyay dacaayad lamid ah midka Housefull laga faafiyay balse Zero dhulka ayuu galay waliba maalin fasax qaran ayadoo jirto dacaayada laga faafiyay darteed hase yeeshee H4 ayaa waxaas meel iska soo dhigay maantana si waali ayuu ku gadmayaa filimkaan.

Sida uu Housefull maanta u gadmaayo filimkaan waxay u damaanad qaadeysaa inuu keeni doono maanta oo isniin ah lacago u dhaxeeyo 28 ilaa 29 crore sidoo kalana meesha lagama saari karo inuu gaaro 30 crore waxayna tani ka dhigantahay in filimkaan sare ukac waali ah sameeyay isla markaasna uu maalinta isniinta keeni doono in kabadan laban laab lacagta uu keenay axadiisa koowaad oo aheyd 14.25 crore.

Akhbaarta kale ee wanaagsan ayaa sidoo kale waxay tahay in H4 uu maanta sare u kac ka sameeyay dhamaan gobolada india isla markaasna uu si isku mid ah uga wada kacay mana jito gobol uu ka liito waana arin aad u wanaagsan isla markaasna filimkaan ka caawin karto inuu lacago badan keeno maalintiisa afaraad.

Akshey haatan si filimkiisa guul weyn u gaaro waxa laga rabo ayaa ah markuu fasaxaan qaran dhamaado inuu maalmaha shaqada is celiyo isla markaasna hoos u dhac waali ah sameynin waxayna taasi ka caawin kartaa inuu mudo dheer tiyaatarka baaqi kusii ahaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here