Akshey Kumar jilaa tagay misna la kari waayay. Maqaal.

0
1998

Akshey Kumar waa mid kamid ah jilayaasha ugu awooda badan Bollywoodka waana jilaaga koowaad ee haatan ugu guulaha badan jilayaasha ay fanka is kula jiraan asigoona sameeyay aflaam badan oo guulo muhiim ah gaareyn.

Akshey 10kii filim ee ugu dambeysay ee uu sameeyay waxay noqdeen kuwa guuleystay waana wax adag in jilaa uu sameeyo 10 filim oo guulo xiriir ah gaaro.

Akshey sidoo kale wuxuu sameyn karaa doorarka nooc walbo ha ahaadaan Comedy, Romantic, Drama ama Action doorkastana sidii la rabay ayuu uga soo bixi karaaa asigoona sidoo kale sameeyo aflaam miisaaniyad xadidan xambaarsan guulna gaarsiiyo.

Lama shaqeeyo Directorada waaweyn sidoo kalana ma sameeyo aflaamta miisaaniyada waaweyn xambaarsan sida Salman Khan iyo Amir Khan intaasna waxaa usii dheer inuu sanadkasta uu sameeyo sadax ilaa afar filim guulana gaarsiiyo.

Salman Khan waa jilaaga ugu awooda badan India sidaas ay tahayna ma sameyn karo sanadkasta 4 filin mana balan qaadi karo inuu filimadaas guulo gaarsiiyo balse Akshey Kumar dhowrkii sano ugu dambeysay cirka ayuu galay wuxuuna noqday jilaa ganacsi ahaan filimadiisa lagu tashan karo.

Sanadkaan waxaa usoo baxay AK filimada Kesari iyo Mision Mangal waxayna noqdeen Hit iyo Super Hit sidey u kala horeeyaan haatana waxaa tiyaatarada u saaran filimka Housefull4 kaasoo lagu wado inuu asna ka faa’ideysto feestada Diwali isla markaasna Hit noqdo waxaana ugu xigi doono oo dhamaadka sanadkaan usoo bixi doono filimka Good News.

Hadii filimada Good News iyo Housefull4 guulo gaaraan Akshey waa in jidka loo baneeyaa waayo waxaa ugu xigo filimka weynee Sooryavanshi kaasoo uu Director kayahay Rohit Shetty waana Directorkii ugu weynaa uu Akshey la shaqeeyo waayadaan waxaana lagu kalsoonyahay inuu gaari karo darajada Blockbuster maadaama filimkaas lagu mideeyay labo qof oo Actionka looga haray.

Akshey waxaa la hubaa hadii uu sanadkii hal filim ama labo filim sameyn lahaa isla markaasna uu Director weyn la shaqeyn lahaa in aflaamtiisa 300 crore ka talaabi lahaayeen iskaba daa 200 crore oo uu haatan ku dhibanyahay waxaana ugu wacan aflaamta miisaaniyada xadidan xambaarsan ee uu sameeyo.

Isku soo wada duuboo haatan Akshey ayaa lagu wadaa inuu u weecdo aflaamta miisaaniyada weyn xambaarsan iyo la shaqeynta Directorada waaweyn asigoona ka bilaabi doono filimka Sooryavanshi ee soo bixi doono Maarso sanadka 2020ka waxaana sidoo kale la hadal haayaa in hogaamiye looga dhigi doono taxanaha Dhoom qeybtiisa 4aad.

Arintaan hadii ay dhacdi waxaa qalqal gali karaa kursiga boqortooyada Salman Khan kaasoo waayadaan cid ka dajiso la la’sanaa.

Hadaba akhristow adiga sidee kula tahay bal fikirkaaga nala wadaag?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here