Taxanaha Housefull 4 waa qeybtii 4aad ee filimkaan laga sameeyay waxaana hogaamiye ka ah Akshey Kumar dhamaan qeybihiisa kale.

Sidoo kale taxanahaan waxaa Directed ka ahaa filim sameeyaha caanka ah ee Sajid Khan asigoo waliba qeybtii ugu dambeysay ee Housefull 4 70% kamid uu asiga sameeyay balse howsha oo meel dhexe mareyso ayaa waxaa filim sameeyaan kusoo baxday fadeexo ah inuu gabdho fara xumeeyay.

Sajid Khan ayaa lagu eedeeyay inuu gabdho shaqo doon ah fara xumeeyay kadib markii labo gabdhood oo asiga shaqo usoo doonteen ay sheegeen inuu fara xumeeyay sidoo kalana waxaa jiraan atariishooyin kale oo filimada wax ka jilaan kuwaasoo iyagana uu gurigiisa ugu yeertay.

Kadib markii kiiskaan kusoo baxday filim sameeye Sajid Khan waxaa dhacday in Akshey Kumar uu ku dhawaaqay inuusan la shaqeyn doonin filim sameeye lagu soo eedeeyay faraxumeyn iwm sidaas owgeed waxaa la badalay filim sameeye Sajid Khan oo filimkaan 70% asiga sameeyay waxaana lagu badalay Directed Farhad Samji kaasoo howsha filimka dhameystiray.

Arintaa ayaa waxay sidoo kale kamid aheyd caqabada uu filimkan la kulmay waxayna shabakada BOI sheegtay in hadii Directed Sajid Khan wax fadeexo lagu soo eedeyn laheyn misna uu filimkaan dhameystiri lahaa uu filimkaan soo xareyn lahaa in kabadan 250 Crore halka uu haatan ku dhibanyahay inuu gaaro 206 crore.

Dhanka kale Akshey Kumar wuxuu balan qaaday in Directed Sajdi Khan hadii kiiskaan laga bari yeelo uu la shaqeyn doono maadaama uu bari yahay balse inta kiiska dacwada taalo uusan la shaqeyn doonin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here