Akshey Kumar oo 12 sano kahor maantoo kale dagaal la galay sadax gaangistar si uu walaashooda u guursado.

0
845

Maanta oo kale sanadkii 2007dii waxaa soo baxay filimka Welcome waana filim la isugu keenay jilayaal waaweyn oo ay kamid yihiin Akshey Kumar, Feroz Khan, Nana Patekar, Katrina Kaif, iyo jilayaal kale wuxuna filimkaan noqday Super Hit.

Filimkaan oo qisadiisa ka Hadleysay wiil reer sharaf leh kasoo jeedo oo jeclaanayo gabar ay la dhasheen sadax gaangistar oo waaweyn ayaa waxaa arinkaas ka hor imaanayo adeerkiisa kaasoo ku xujeynaaayo in kaliya uu guurkiisa ogolaanayo markii gaangistaradaas soo hagaagaan misna dad fiican noqdaan.

Wiilkaan oo uu matalaayo Akshey Kumar ayaa geed kasta u fuulaayo sidii uu mujirimiintaas rag fiican uga soo saari lahaa asigoo aakhirkiina ku guuleysanaayo.

Filimkaan ayaa waxaa sameeyay Anees Bazmee waxaana lagu qarash gareeyay 48 crore wuxuuna soo xareeyay 70 crore gudaha India asigoona isku darka gudaha india iyo daafaha caalamka keenay 119 crore wuxuuna noqday Super Hit.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here