Akshey Kumar oo amaan ugu qubeeyay jilaaga da’da yare e Ranveer Singh sidoo kalana ka hadlay saaxiibtinimada kala dhaxeyso Ajay Devgan.

0
1152

Jilaaga Akshey Kumar ayaa amaan ugu qubeeyay jilaaga dhalinta yare e waayadaan calankiisa babanaayo Ranveer Singh kaasoo ay si wadajir uga soo muuqan doonaan filimka lawada sugaayo ee Sooryavaanshi kaasoo sidoo kale uu muuqaal marti ku leeyahay jilaaga Ajay Devgan.

Ajay Devgan oo matalaayo doorkiisa Singham, Ranveer Singh oo matalaayo doorkiisa Simmba iyo Akshey Kumar oo matalaayo doorkiisa Sooryavaanshi ayaa lagu wadaain si wadajir hal muuqaal uga soo muuqdaan filimka Sooryavaanshi kaasoo uu hogaamiye kayahay Akshey Kumar waxaana Directed ka ah ninka sameeyay filimada Singham iyo Simba ee Rohit Shetty.

Akshey oo ka hadaalay Ranveer Singh ayaa yiri; Ranveer shalay wiil yar ayuu ahaa maantana sidoo kale wiil yar ayuu agteyda ka yahay waana la cajabay markii uu goobta duubista Sooryavaanshi yimid asigoona aniga iyo Ajay nala orday Action-mo heer sare ahna nala sameeyay waa arin aan hilmaami doonin.

Akshey ayaa sidoo kale ka hadlay saaxiibtinimada kala dhaxeyso Ajay Devgan wuxuuna yiri; Ajay saaxiibtinimo qoto dheer ayaa naga dhaxeyso, fanka isku mar ayaan soo galnay filimkii ugu dambeeyay ee aan isla sameynay wuxuu ahaa Insan, marka laga soot ago shaqada wax badan ayaa naga dhaxeeyo.

Waxaa xusid mudan in Ranveer Singh uu Akshey Kumar waligiisba u ahaa taageere weyn balse haatan jilaa iyo taageerihiisa si wadajir uga soo muuqan doonaan filimka Sooryavaanshi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here