Akshey Kumar oo diyaar u ah inuu xaalada kusii xumeeyo Salman Khan isla markaasna caqabad hor leh ku noqdo.

1
1409

Waxaa shalay tiyaatarada India la saaray filimka Dabangg 3 kaasoo lakulmay caqabo is xig xigo oo ay ugu weyntahay rabshadaha wadanka ka taagan iyo asigoo filimkaan tikidkiisa hormariska xili hore la bilaabin.

Maadaama uu filimkaan caqabdo la kulmay maalintiisa koowaad sidoo kalana maanta oo sabti ah iyo bari oo axadna xaalada kasii xuntahay maadaama rabshadaha joogsi laheyn bandowgana magaalooyinka saaranyahay waxaa wanaagsaneyd in filimkaan isbuuciisa labaad uu ahaado mid banana si uu uga faaideysto ugana soo kabto dhaawaca soo gaaray.

Hase yeeshee filimkaan isbuuc labaad oo sahlan ma arki doono maadaama filimka Good Newws oo uu hogaamiye ka yahay Akshey Kumar tiyaatarada la saari doono waana filim sidoo kale siweyn loo sugaayo sidaas owgeed ganacsiga Dabangg 3 saameyn weyn ayuu ku yeelan doonaa waxaana macquul ah hadii sheeko ahaan uu hirgalo misna laga wada helo inuu khadka kala baxo dabangg 3.

Sheekada waxay u muuqataa sidii maahmaahdii aheyd adoo xun xuun haku qaniino hadaba Sallu asigoo sanadkaan bilowgiisa uu ka fashilmay filimka Bharat misna Dabangg 3 rajo weyn ka qabay ayay caqabad iyo in filim weyn lala saaro isgu darsameen haatan wuxuu xaalku maraa marlee yaa dhiiqadaan iga bixiyo.

Hubaal Sallu filimkiisa Dabangg 3 hadii caqabadahaan la kulmi laheyn wuxuu noqon lahaa filim India gilgilo balse haatan nasiibkiisa ayuu qabaa.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here