Akshey Kumar oo ku digtay jilayaasha sanadkii keeno hal filim kaliya muxuuse ka yiri isku dhaca Eid 2020 iyo Christsmas ee asiga iyo Salman Khan?

0
1116

Jilaaga Akshey Kumar ayaa waayadaan circa maraayo asigoona 12dii filim ugu dambeysay uu jilay ay dhamaantooda guuleysteen xili 10 kamid ah darajada Hit dhameystiran gaareen waxaana xusid mudn in 3dii filim ee uu sanadkaan la yimid dhamaan wada guuleyseen.

Hadaba Akshey Kumar oo xayaysiin u sameynaayay filimkiisa cusub ahna filimkiisii 4aad ee sanadkaan kaasoo lagu magacaabo Good Newws misna la daawan doono 27da December ayaa wax laga weydiiyay isku dhaca asiga iyo Salman Khan filimadooda ee Eid 2020 iyo Christsmas ee Dabangg3 iyo Good News.

Akshey Kumar ayaa ku jawaabay isla markaasna sheegay in sanadkii uu ka koobanyahay 52 isbuuc sidoo kalana ay jiraan in kabadan 5000 oo tiyaatar sidaas owgeed uusan wax dhibaato ku qabin isku dhac iyo wixii lamid ah .

Akshey Kumar oo hadalkiisa sii wato kuna diganaayo jilayaasha sanadkii la yimaado hal filim kaliya ayaa yiri; waxaan joogaa marxalad aysan waxba iga lumeynin iney wax ii kordhaan ma ahane, asigoona ugu dan lahaa in aflaam badan uu gacanta ku heysto cabsina uusan ka qabin in filim ka guul dareysto isla markaasna uusan lamid aheyn ragga sanadkii hal filim la yimaado kuwaasoo ka cabsi qabaan in filimkaas ka guul dareysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here