Super Star Akshey Kumar oo xili aan la rumeysan karin ku jiro fanka India isla markaasna waqti cajiib ah qaadanaayo ayaa si layaab leh ugu soo hambalyeeyey sanad guuradii 19aad ee kasoo wareegatay maalintii ay is guursadeen asiga iyo xaaskiisa Twinkle Khanna.

Akshey ayaa bartiisa Instagramka soo dhigay sawir uu u labisanyahay qaabkii uu u labisnaa filimkii 2.0 waana qaab laga soo min guuriyay aqoonyahanka reer Hindi misna ku takhasusay cilmiga shimbiraha ee Salim Ali balse Hindiya looga yaqaano magaca Pakshirajan (Ninkii Shimbiraha).

Askhey oo Pakshirajan isku soo ekeysiiyay ayaa sawir lasoo galay xaaskiisa xili uu cunaha ku dhaganyahay misna doonayo inuu qoorta ka goosto wuxuuna sawirka soo raaciyay qoraal u qornaa sidaan;

“Sawir qeexaya sida ay nolosha lamaanaha u muuqato… mararka qaar kaliya waxaad dooneysaa inaad lamaanahaaga nolosha hab siiso, mararka qaar kalan…. sida aad ka arki kartaan sawirka idin horyaalo , asigoo sidaas ah xitaa ma doonaayo wax asiga ka duwan, Happy Anniversary Tina (Twinkle ayaa loo yaqaanaa) With Love From Pakshirajan 😂😘”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here