Jilaaga Akshey Kumar waxaa tiyaatarada isbuucaan loo saaray filimka Housefull 4 oo ah taxanaha Housefull qeybtiisa 4aad.

Taxanahaan shactirada oo ay dadweynaha aad uga heleen ayaa qeybihiisii hore siweyn loo jeclaaday asigoona kamid ah taxanayaasha shactirada kuwooda loogu jecelyahay isla markaasna dadkii daawaday aad uga heleen.

Hadaba Housefull 4 oo todobaadkaan la saaray tiyaatarada India ayaa la kulmay caqabado badan oo ay kamid yihiin uguna waaweynyihiin in falanqeeyayaasha filimkaan sheekadiisa aad u dhaliilaan isla markaasna daawadayaasha uga digaan in qarashkooda filimkaan isaga qasaariyaan.

Sidoo kale filimkan tiyaataro ku filan lama siinin oo uu si waali ugu gadmi lahaa waxaana caqabad ku noqday filimada Saand ki Aankh iyo Made in China kuwaasoo kaligood qaateen 2200 oo tiyaatar halka H4 la siiyay 3900 tiyaatar.

Inta badan filimada hadii sheekadooda la dhaleeceeyo sidoo kalana falanqeeyayaasha dhaliilaan dhulka ayay galaan waxaana horay sidaan oo kale dhulka u galay filimada waaweyn ee kala Thugs of Hindostan, Race 3, Zero iyo  Tubelight kuwaasoo sheeko ahaan loo dhaliilay si lamid ah sida loo dhaliilay filimka H4.

Balse arinta layaabka leh waxay tahay in H4 uu si adag isku celiyay isla markaasna lacago aan macquul aheyn keenay asigoo ay dhaliil ku socotay balse taas badalkeeda filimada aan soo sheegnay dhulka ayay wada galeen iyagoona lagala kulmay khasaaro baaxad weyn leh.

Hadaba aan bal fiirino filimadaan iyo xaalkooda siduu noqday;

Thugs of Hindustaan waxaa hogaamiye ka ah Aamir Khan asigoona ahaa filim siweyn loo hadal haayay inuu cagta marin doono waxa rikoor filimo u yaalo sidoo kalana qarash waali ah ayaa la galiyay balse isbuuciisii koowaad ayuuba ku burburay waxaana ugu wacan filimkaan oo sheeko ahaan iyo isku xir ahaanba la dhaliilay.

TOH inkastoo maalinkiisii koowaad rikoor dhigay isla markaasna 48 crore ka talaabay hadana si waali ah ayuu hoos ugu dhacay layaabkuna wuxuu yahay in isbuuciisii labaad uu keenay 7.30 crore balse H4 maalintiisii 6aad ayuuba labo jibaar lacagtaas keenay asigoona soo xareeyay 15.50 crore.

Race 3 waxaa hogaamiye ka ah Salman Khan waxaana la daawaday 2018dii asigoona ah taxanaha Race qeybtiisa sadaxaad waxaana labadii qeyb hore hogaaminayay Saif Ali Khan balse nasiib xumo Sallu filimkaan inuu xitaa lacagihiisa usoo celiyo wuu awoodi waayay wuxuna noqday Flop sida ay u badantahay.

Filimkaan oo asna qarash waali ah la galiyay ayaa lagu waday inuu Blockbuster noqon doono balse sheekadiisa oo la dhaliilay owgeed Blockbuster iska daayee xitaa lacagtiisa sooma celinin wuxuuna ku fashilmay inuu dadka dhaliisha ku waday iska caabiyo.

Tubelight waxaa hogaamiye ka ah isla Sallu wuxuuna noqday Below Average wuxuuna xitaa awoodi waayay inuu lacagihiisa soo celiyo.

Tubelight si lamid ah Race 3 iyo TOH waxaa la dhaliilay sheekadiisa filimkaan dhaqaaqna wuu sameyn waayay asigoona sibuuciisii labaad Box Officeka ku burburay wuxuuna keenay 11.36 crore halka H4 maalintiisii lixaad ee shal;ay kaliya keenay 15.50 crore.

Zero waxaa hogaamiye ka ah SRK wuxuuna noqday darajo ahaan Flop hadii uusan kaba sii hooseynin oo uusan burbur noqonin inkastoo BOI wali darajadiisa si rasmi ah ugu dhawaaqin hadana Flop ayay u badan tahay.

Zero si lamid ah filimadii kahoreeyay wuxuu asna ku burburay Box Officeka kadib markii dhaleeceyn joogto ah lala dabo kacay wuxuuna isbuuciisii labaad keenay kaliya 6.21 crore halka Housefull 4 asna maalintiisii 6aad uu keenay 15.50 crore.

Arinta kale ee jirto ayaa ah in filimadaan la saaray tiyaataro kabadan midka H4 la saaray sidoo kalana filim kasta maalin fasax ayaa la saaray waxaana tiyaatarada loo kala saaray sidaan;

TOH 4700 tiyaatar.

Zero; 4450 tiyaatar.

Race; 4300 tiyaatar.

Tubelight; 4400 tiyaatar.

Housefull4; 3900 tiyaatar.

Isku soo wada duuboo Akshey ayaa sameeyay waxay 3 khans sameyn waayeen kaasoo ah in filim sheeko ahaan iyo isku xir ahaanba la dhaliilay uu lacago waali ah sameeyo halka 3 Khans ay ku fashilmeen arinkaas.

Baryahaan waxaa baraha bulshada gaar ahaan Twitterka qabsatay dooda uu dhaliyay filimka H4 ayadoo taageerayaasha Akshey Kumar farxad ka dareemeen in filimka H4 uu lacago waali ah keenay isla markaasna dadkii dhaliilaayay ceeb la kala dhuunteen xitaa awoodi waayeen in lacagaha waalida ee filimkaan baahiyaan halka fanska 3Khans ay arinkaan aqbali la’yihiin in Akshey sameeyay wax aysan 3 Khans sameyn waayeen taasoo ah inuu guul gaarsiiyo filim eed iyo dhaleeceyn suuqa loo galiyay .

Hadaba akhristow mala dhihi karaa Akshey toogtaan waa soo dhigtay marba hadii 3 Khans waxay awoodi waayeen uu awood u yeeshay tiiyoo ay jirto in sanadka dambe filimo waaweyn u diyaarsanyihiin sidoo kalana 12dii filim ugu dambeeyay guul wada gaarsiiyay?

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here