Akshey Kumar oo shaaciyay in uu lee yahay guri uu ku dhuumado xiliyada uu fasaxa yahay

0
1259

Superstar-ka Bollywood Akshay Kumar, oo kamid ah jilayaasha ugu mushaarka badan India, ayaa leh guri kuyaala magaalada Goa. Wuxuu had iyo jeer booqdaa gobolka xeebta si uu waqti fiican ula qaato qoyskiisa.

Akshey ayaa yiri: “Waan jeclahay inaan aado Goa. Waa meel aad u jawi dagan oo aan ku dhuunto. Qof walba wuu igu yaqaana halkaas. Waa meesha kaliya ee dalka aan ku dhex lugeyn karo kuna raaxeysto naftayda.”

Akshey ayaa intaas ku daray In Goa ee tahay meesha kaliya uu si fican ugu hurdi karo wuxuuna yiri: ” Wax walba way fududahay waadna kici kartaa goor dambe oo subaxnimo ah. Gurigeygu wuxuu ku yaal meel jawi dagan kaliya waxaad maqleysaa codka Shimbiraha iyo dhawaqa biyaha badda.”

Dhanka filimka, Akshay wuxuu isku diyaarinayaa siideynta filimkiisa Sooryavanshi, oo hogaaminaya Rohit Shetty iyo Katrina Kaif.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here