Akshey Kumar oo toogtaan taageerayaashiisa dib ugu celin doono jaasuusnimadii sideetamaadkii.

0
1142

Jilaaga Akshey Kumar ayaa dib ugu soo laabtay doorkii uu caanka ku ahaa ee Actionka kadib markii uu saxiixay filimka Bell Bottom kaasoo ah filim Action asigoona ku matali doono doorka jaasuusnimada.

Akshey oo dhawaanahaan u badnaa filimada waaqiciga iyo Comedyga ayaa haatan dib ugu laaban doono filimada Actionka asigoo sanadka 2020ka la imaan doono filimka Soryavaanshi halka sanadka 2021da uu asna la imaan doono filimka Bell Bottom labada filimba waa Action.

Filimka Bell Bottom ayuu Akshey ku jili doonaa sargaal jaasuus ah asigoona la daawan doono misna shaashahada la saari doono 22 Janaayo 2021da.

Filimkaan Actionka ayaa waxaa Director ka ah Ranjit M Tewari balse wali laguma dhawaaqin atariishada ku wehlin doonto inkastoo lahadal haayo in Katrina Kaif doorkaas loo dhiibi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here