Akshey Kumar tiyaatarada maba ka dago iyo Filimka Good News oo lagu dhawaaqay xiliga goosgooskiisa lasii deyn doono.

1
1158

Super Star Akshey Kumar sanadkaan cirka ayuu marayaa kadib markii sadaxdii filim ee uu keenay wada guuleysteen.

Kesari ayaa Hit noqday sidoo kale Mission Mangal waa Super Hit iyadoo filimka Housefull 4 tiyaatarada saaranyahay mudo sadax isbuuc ah uu Big Hit ku noqday haatana waxaa u dhiman filimka lawada sugaayo ee Good News.

Filimka Good News ayaa waxaa AK la wado atariishada lawada jecelyahay ee Kareena Kapoor sidoo kalana waxaa qeyb ka ah Kiara Advani iyo Diljit Dosanjh ayadoo uu soo saare kayahay Karan Johar.

Filimkaan ayaa waxaa la daawan doonaa 27da bisha December oo ku began ciida Kirismaska waxaana goosgooskiisa si rasmi ah loosii deyn doonaa maalinta isniinta ee fooda nagu soo heyso.

1 COMMENT

  1. Asc Asxaabta Filmside
    Maxaa Ku Dhacay Sheekooyinka Filmada Marjaavaan & Motichoor Chaknachoor Oo Maanta Masraxa Ku Cusub Iyo Warbintooda Oo Dhamaystiran Ku Na Beegnaa 15th November 2019

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here