Akshey Kumar v Aamir Khan iyo Christmas 2020 oo jilayaashaan qoorta isku galin doono dagaalna la filanaayo.

0
879

Mega Star Aamir Khan ayaa filimkiisa cusub ee Lal Singh Chaddha laga soo bandhigay aragtida koowaad asigoona sidoo kale lagu dhawaaqay goorta la daawan doono filimkaan.

Lal Singh Chaddha ayaa lagu dhawaaqay in la daawan doono Christmas 2020ka taasoo ka dhigeyso in uu jiri doono isku dhac weyn sanadka dambe maadaama waqtigaas uu horay u calaamadeystay Akshey Kumar filimkiisa Banchchan Pandey.

Filimka Lal Singh Chaddha ayaa sheeko ahaan laga soo min guuiryay filimka Hollywoodka Forest Gamp kaasuu uu jilaaga Tom Hanks ku qaatay bilada Oscar isla markaasna la daawaday 1994tii.

Waxaa la sheegaa in Aamir Khan si uu filimkaan xuquuqdiisa u iibsado uu 8 sano kadaba wareegaayay asigoona ugu dambeyntii helay isla asiga ayaana atoore iyo soo saaraba ka ah.

Haatan waxaan sugnaaba waa isku dhicii ugu weynaa oo waayadaan Box Officeka ka dhici doono kadib markii hal waqti la isla saaro filimada Lal Singh Chaddha iyo Banchchan Pandey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here