Akshey Kumar waqiga lagama maro markii hore Bobby Deol haatana Kareena iyo jilaagaan oo xidigahaan karbaashay.

0
1809

Akshey Kumar markii waqtiga laga hadlaayo wuxuu kaalmaha koowaad kaga jiraa dadka waqtiga ilaaliyo ma jeclo inuu soo daaho ha ahaato goobta shaqada ama gurigaba.

Sadax isbuuc kahor markii tiyaatarada la saaraayay filimka Housefull 4 waxaa xaflada bandhiga koowaad kasoo daahay jilaaga Bobby Deal taasoo kaliftay in jilayaasha kale ee filimka oo uu hormuud u ahaa Akshey Kumar ay Twitterka muuqaal soo dhigaan kaasoo ay ku karbaashayaan Bobby Deol uguna sheegayaan iney sugayaan.

Maanta sidoo kale wuxuu Akshey Kumar karbaashay atariishada Kareena Kapoor kadib markii ay kasoo daahday xaflada lagu soo bandhigaayo goos gooska filimkooda Good Newws kaasoo dhamaadka bisha dambey tiyaatarada la saari doono.

Akshey ayaa bartiisa Twitterka kusoo qoray; waxaan sugeynaa goosgooska Good News waana is baashaleynaa anagoo sugeyno Bebo”

Goos-gooska Good Newws ayaa maanta lasoo bandhigayaa asigoo haatan saacad dib u dhacay kadib markii Kareena soo daahday walina ma aysan imaanin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here