aktraka ka tirsan shirkadaha koonfura hindiya ninka lagu magacaabo Duniya vijay oo maalmahan dambe shirkada tutjimada aflaamta fanproj ay bilowda inay turjamaan aflaamtiisa ayaa waxaa loo keenay warqad dacwad oo kaga timid saldhiga booliiska

ka dib markii ay dacweesay gabadhiisa lagu magacaabo monica oo 18 sano jir ah monica ayaa dacwadan u gudbisay saldhiga ku yaala giri nagar police station

ka dib markii aabaheed Vijay oo gurigiisa dhaxdiisa ku jirdalay sidoo kale aflagaado u racsiiyay

Monica ayaa sheegtay inay marka hore la noolayd hooyadeeda sidoo kale ay booqan jirtay aabaheeda maalin iyadoo aaday guriga aabaheed si ay dhar isaga badasho iyo inay soo qaadato waraaqooyin oo halkaa uu yiilay

waxaana marka ay guriga gashay ka hor yimid aabaheeda Vijay iyo xaaskiisa labaad Kriti gowda iyo labadeeda saaxiibadood ee kala ah Hemont iyo Vinod iyo dareewalka aabaheeda ninka lagu magacaabo Mohammad iyagoo 5 tooda marka hore gabadha ku weeraray hadalo aflagaado ah

iyagoona ku bilaabayn dil iyo jir dilid ba’an Iyadoo madaxeeda ku garaaceen darbiga guriga hadda monica waxa ay ku sugan tahay isbitaal

iyadoo halkaas lagu daaweenaayo dhaawacyada halista ah ee soo gaaray hadda vijay iyo shaqsiyaadkaas kale waxa ay laga wacay saldhiga policeka si arrintaas looga wareysto haddii ay ku cadaato arrinkaas waxa ay la kulmi doonan ciqaab adag

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here