waxan badanaa aragnaa aktaro marka hore magac iyo maqaam ka kabsadaan dhanka iyo tv-yada iyadoo midaas u suurta-galinayso inuu ku biiro sameynta aflaamta waana mid aad si fiican u ogtahay laakiin waxaa la yaab ah aktaro ku fashilmay ama magac iyo maqaam ku heli waayeen aflaamta laakiin marka ay aadayn dhanka iyo tv-yada noqdayn aktaro si weyn loo jecel yahay sidaas darteed waxan ku hayaa 5 aktar oo midaas sameeyee

Aasif sheikh

ninkaan waxa uu ka mid ahaa laadiriinta bollywoodka xiligii 90s isagoo si weyn loogu yaqaano doorka xumaanta sida aflaamta pyaar kiya to darna kiya auzaar bandhan iyo aflaamo kale oo badan laakiin aktarkan marka lasoo galay qarnigan cusub waxa uu noqday mid la qabsan waayo xawaaraha bollywoodka muddo ka dib markii ka wayay muuqiisa ayaa waxa uu ku biiray dhanka iyo tv-yada waxa uuna ku caab noqday doorkiisa vibhuti narayan mishra isagoo qayb ka ah musasalka sida weyn looga daawado Tv-ga Zee tv ee lagu magacaabo bhabhiji ghar par hain isagoo haddaka mid raga u magac weyn dhanka iyo tv-yada

Sudha chandran

atariishadan waxaay ka mid ahayd aktarada ka xamaashta dhinaca iyo koonfurta iyadoo bilowgeeda fanka uu ku dhacay musiibo ka dib marka ay ka jabtay lugteeda xili ay shil gashay waxaana meeshaas ku bur-burtay rajadeeda aktarnimo ka dib waxa ay ku biirtay dhanka iyo tv-yada iyadoo magaceeda si weyn ugu fiday maanka dadka ka dib markii ay kasoo muuqatay taxanaha Xiisaha Badan sida kaahin kissi roz iyo k street pali hill

Apurva agnihotri

ninkaan waxaa uu kusoo caan baxay filimkii super hit noqday ee pardes weliba waxaa si weyn loogu xasuusta doorkiisa xumaanta ka dib aktarkan marka uu flop kiisa batay waxa uu ku biiray dhanka iyo tv-yada isagoo sameeyay dhawr musalsal oo guulo gaareen waxaana si weynlooga xasuusta doorkiisa super hit ka noqday ee lagu magacaabo jassi jaisi koi nahi

Parmeet sethi

ninkan ayaa nasiib u lahaaday inuu kusoo caan baxo filimkii all time blockbuster noqday noqday ee dilwaledulhania la jayenge ka dib marka uu kasoo muuqday dhawr aflaamood waxa uu u weecday Tv-Yada isagoo halkaas ka noqday aktar caan ah weliba si weyn loo jecel yahay



LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here