Super Star Shahrukh Khan Wuxuu ka mid yahay xidigaha ugu caansan dunida hada aan ku Nool nahay sido kale waa aktarka labaad ee ugu taajirsan aduunka waana xidig ay kuu Faanan bollywood-ka

laakiin aktarkan waxaa dhawaanahan laga waayay shaashada aflaamta ka dib markii ay la fashilmayn dhawr aflaamood isagoo hadda weli xitaa uusan saxiixanin wax filim kaaso la doonaayay inuu ku qanciyo taageerayaashiisa daacada u ah

Shah Rukh Khan ayaa waxa uu dhawaan si weyn ugu hadlay awooda soo koraysa ee dhanka atariishooyinka kuwaaso hadda si weyn loo tix-geliyo fanka bollywoodka halka markii hore kaliya xushamdaas uu heli jirayn aktarada Raga ah

Shah Rukh Khan oo la hadlayay BBC qaybteeda Asia ayaa waxa uu ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan marxalada is-badal uu bollywoodka galay iyo sida uu u sameeyay atariishooyinka isagoo arrintaas ka hadlaya ayaa waxa uu yiri ” doorka atariishooyinka ay ku leeyihiin fanka waa mid saamayn leh iyagoo xiligan awoodaan inay marxalada u rogaan dhanka kale laakiin xiligii 90s waxaana soo arkay atariishooyin badan kuwaaso ka dib guurkooda fanka ka heli waayeen fursad ay dib ugu soo laabtaan filim jilista

waana mid ku qasabtay dumar fara badan inuu lumo hamigoodii iyo mustaqbalkooda laakiin hadda waxaan si weyn ugu farax-sanahay in dumarka la siiyay waxa ay mudnaayeen iyo darajada ay ku leeyihiin fanka Bollywoodka”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here