aktarkan ayaa waxa uu ka qayb-galay showga ay daadihiso atariishada Neha Dhupia waxaana Shahid Kapoor show-gaas uu kaga hadlay arrimo badan oo isaga sir u ah

Shahid Kapoor ayaa waxa wax laga weydiiyay xariirka isaga iyo atariishada Kareena Kapoor kaaso mid ah xariiradii ugu caansanaa ee soo maray Bollywoodka

waxaana Shahid Kapoor la weydiiyay sida uu ahaa xariirka isaga iyo Kareena Kapoor markii uu bur-buray xariirkooda jaceylka iyo in Kareena ay isaga ku casuumay arooskeeda iyada iyo Aktarka Saif Ali Khan sanadkii 2012

Shahid Kapoor aya shaaca ka qaaday ka dib markii ay kala harayn isaga iyo Kareena inuu go’aan ku gaaray inuusan mar dambe la kulmin iyada laakiin aktarkan ayaa shaaca ka qaaday inuusan weligiisa ku fikirin in Kareena Kapoor isaga ay ku casuumto arooskayda

isagoo arrintaas ka hadlaya ayaa waxa uu yiri ” aniga hadda ma xasuusan karo dhacdooyinkaas maadaama ay kasoo wareegatay muddo badan laakiin aniga weligayga kuma fakirin inay iyada ( Kareena Kapoor ) igu casuumi doonto arooskayda “

hadda Kareena Kapoor iyo Shahid Kapoor wax ay leeyihiin qoys iyadoo Kareena Kapoor uu guursaday aktarka lagu magacaabo Saif Ali Khan waxaana u jooga wiil lagu magacaabo Taimur halka Shahid Kapoor isagana ay u dhaxdo gabadha lagu magacaabo Mira Rajput taaso u dhashay labo caruur wiil iyo gabar iyagoo is-guursadayn sanadkii 2016

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here