Sonu sood waa aktar la shaqayn kara director walba iyo aktar walba maadaama uu yahay aktar samayn kara doorar kala duwan waxaana aktarkan doorar muhiim ku leeyahay aflaamo waa weyn sida happy new year  dabbang filimkiisa ugu dambeeyay ee aktarkan uu keeno kasoo muuqday waa filimka guusha weyn ee gaaray ee simmba

iyadoo sanadkii hore aktarka lagu magacaabo Sonu sood ayaa isaga baxay filimka weyn ay hogaamiyaha ka tahay atariishada Kangana Ranaut Manikarnika – the queen of jhansi

aktarkan ayaa waxa uu dhawaan wareysi siiyay website ka Bollywood Hungama waxaana Sonu sood wareysigaas ku cadeeyay arrinta ku qasabtay inuu isaga baxo filimkaas taaso ku sheegay inay tahay Kangana ranaut darteeda

aktarkan ayaa sheegay in markii hore uu filimkan saxiixanaayay inuu aad u farax-sanaa isagoo ku hanweynaa inuu si fiican ku dhamaysan doono duubista filimkan

laakiin aktarkan ayaa waxa uu sheegay inuu si weyn uu kaga carooday dhaqamada atariishad Kangana maadaama Kangana aysoo fara-gelisay doorkiisa filimkaas iyadoo kaliya ah aktar filimka ka mid ah

iyadoona ay usoo martay dhanka iyo soo saarayaasha filimkan kangana ayaa waxa ay doonaysay in aktarkan ay ku qasabto mar labaad soo bilaabo duubistiisa doorkiisa maadama aysan ku qanacsanayn duubistiisa uu hore u sameeyay filimkan  taaso ah mid aktarkan uusan awoodin sonu sood

sababtoo ah waxa xiligaas uu gacanta ku haystay mashruucyo kale kuwaaso uu u sameyay jadwal waxaana midaas Sonu Sood ku qasabtay inuu isaga baxo mashruucan gabi ahaanba mar haddii meesha  ah aarin aan caqliga geli karin iyadoo filimkan hore  u geliyay waqti fara badan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here