Tiger Shroff waa hogaamiyaha dhalinta Bollywood-ka sidoo kalena sameynta filimada Action-ka ah asigaa ayaa looga haray waxaana u dheer inuu qoob ka cayaarka heer sare ka gaaray.

Sidaa darteed Tiger Shroff filimadiisa ugu dambeyeen sida Baaghi 2 iyo WAR wuxuu kusoo bandhigay xirfad Dance, Action, iyo qaab jiliin heer sare ah,

Tiger shroff oo laga qaadayay wareysi ku saabsan aflaamtiisa dhawaan-galka ah ayaa waxa aktarkan la weydiiyay su’aalo kala duwan taaso ku saabsan noloshiisa gaarka ah iyo jilista aflaamta

Tiger shroff waxaa la weydiiyay shaqada uu ka shaqayn lahaa hadii uusan aktar ahaan lahayn aktarkan waxa uu leeyahay xirfado kala duwan kaaso uu ku shaqaysan karo sida qoobka ciyaarka

laakiin Tiger shroff ayaa sheegay inuu noqon lahaa xidig ciyaara ciyaarta kubada cagta isagoo sheegay in kubada cagta ay ka mid tahay xirfadaha qaaska uu isaga leeyahay waana mid uu aad u jecel yahay ciyaarista kubada cagta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here