inad lacag tabacato gudaha bollywoodka waxaa wax iska fudud laakiin inad xidig ka noqoto waa mid aad u adag iyadoo shirkada bollywoodka ay soo marayn aktaro halkaas ka helayn hanti fara badan kuwaaso hadda ku nool nolol heer sare ah iyadoo maanta midaas aan kusoo qaadan doono aktarka lagu magacaabo arshad warsi

Arshad warsi waxa uu ku dhashtay mumbai sanadkii 1968  isaga aabihiisa waxaa lagu magacaaba Ahmad Ali khan isaga waxa uu ku bartay school ku yaala magaalada Mumbai ilaa uu kasoo gaaro fasalka 10aad

Arshad warsi waxa uu fanka bollywoodka soo galay sanadkii 1996 isagoo kusoo caan baxay filimka lagu magacaabo Tere Mere Sapne uu soo saaraha ka ahaa aktarka Amithab Bachachan

ka dib aktarkan waxa uu kasoo muuqday aflaamo badan waxaana si weyn loogu xasuusta doorkiisa Circuit  taxanaha filimka Munna bhai


iyadoo dad-weynaha aflaamta xiiseeya ay si weyn u jecel-yihiin shactirada aktarkan laakiin dadkaas qaarkood ma oga inuu aktarkan sameeyay 48 aflaamood inta uu fanka ku guda jirtay

laakiin 35 filim oo ka mid ah ay flop ka noqdayn ka dib markii laga reebo dhawr aflaamood sida Tere mere sapne taxanaha munna bhai taxanaha Golmaal, Jolly LLb iyo aflaamo kale oo faro ku taris ah

Arshad warsi waxa uu waayihiisa shaqo kasoo bilaabay inuu ka shaqeeyo dukaan lagu iibiyo dharka isagoo 14 sano jir markii 21 sano ahaa waxa uu bilaabay inuu ku shaqeesto Dancega ka dib markii uu soo galay bollywoodka

kaaso uu ka tirsan yahay ilaa iyo hadda waxa uu shaqystay hanti fara badan isagoo akoonkiisa ay ku jirto lacag dhan Rs 282 Crore taaso la mid ah 40 million oo dollar ahaa isagoo halkii filim ku sameeya 3 crore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here