SS Rajamouli waxaa lagu tilmaama Director ugu weynaa dalka india xiligan maadaama uu sameeyay filimka gil-gilay dalka india ee Baahubali labadiisa qaybood

hadda Director-kan waxaa u diyaarsan lagu kalsoon yahay inuu jabin doona rikoorada Baahubali waana filimka RRR kaaso la gelin doona lacago waali

halka sidoo kale filimkan lagu mideeyay jilayaal waa weyn kuwaaso magac iyo maqaam ku leh dalka india sida labada aktar ugu shacbiyada badan Telegu Ram Charan iyo Junior NTR kuwaaso markii ugu horeesay shaashada iskala soo muuqan doonana

sidoo kale waxaa filimkan hadal-hayntiisa kor usii qaaday markii lagu soo daray labada jilaa ee Bollywoodka ah Ajay Devgan iyo atariishada Alia Bhatt kuwaaso ka mid ah aktarada ugu awoodda badan Bollywoodka xiligan

hadda waxaa soo baxay warar xiiso badan iyadoo aan goor hore idin shaacinay Alia Bhatt inay filimkan jaceylka kula wadaagi doonto Ram Charan ayaa waxaa dhawaan la shaaciyay in filim sameeyaasha filimkan ay

hadda ku mashquulsan yihiin diyaarinta heeso shidan iyo qoob ka yaar aan caadi ahayn kuwaaso loogu tala galay labadan jilaa si ay cirka usii galiyaan hadal-haynta filimkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here