Waxaan wada ognay in dhawaan la wada hakiyay hawlaha filim jilista Bollywood-ka sidaa darteed Director Sanjay Leela Bhansali dhibaato gaar ah ayaa qabsatay madaama filimkiisa Gangubai Kathiawadi Ali Bhatt hogaamiye ka tahay shaqadiisa hakatay haatana shaki la galinaayo in 11 September 2020 la daawan karo.

Haddaba Bhansali filimkan weyn ee Alia Bhatt gabbar awood badan oo gaangester ah ku jileyso wuxuu u dhisay goob balaaran oo ku baxday dhismaheed qarash ahaan 12 Crore ($1.58m) waxaana laga dhisay istuudiyaha caanka ah Film City oo ku yaalo degmada Goregaon ee Mumbai ka tirsan balse duubistii waa la joojiyay kooxdana qasaaro ayay dhexda kaga jiraan.

Director Bhansali ayaa arin cajiib badan sameeyay waayo qolyaha caafimaadka ee Mumbai ka hawl galayaan ayuu ku wareejiyay goobta loo dhisay in filimkiisa Gangubai Kathiawadi lagu duubo haataa waa meel lagu baaro dadka degan degmada Goregaon waxaana soo dhaweeyeen talaabadan uu qaaday mudane Bhansali qolyaha caafimaadka ka shaqeeyaan.

Sidoo kale goobtan waxaa loo dhisay muuqaal ahaan Mumbai sida ay ahaan jirtay 60-maadkii madaama Gangubai Kathiawadi waqti ahaan xiligaas ka hadli doono gaangestirintii jiri jireen waxaana laga cabsi qabaa meeshan sida qadiimiga ah loo dhisay inay bur burto waayo maalin walbo dad kala duwan ayaa adeeg caafimaad loogu qabtaa waxayna midaas sababi doontaa xaalada haatan Hindiya ku jirto marka laga baxo in mar labaad goobtan dib loo dhiso oo qarash hor leh ayaa ku bixi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here