Bollywood Next Superstar Female Alia Bhatt waxay sanadkaan la imaan doontaa mid kamid ah aflaamta ugu waaweyn Brahmastra halka keydka ay ugu jiraan Takht, Sadak 2, RRR iyo Ganubai.

Hader warar ayaa sheegayaan in Filimkale keydka usoo galay Alia Bhatt kaaso aan wali magac loo bixinin balse ka hadlaayo arimaha bulshada waxaana Director ka noqon doono Saket Chaudhary kaaso Director ka ah Filimka Angrezi Medium ee Irrfan Khan iyo Kareena Kapoor ku midooweyn.

Alia Bhatt Filimkeeda sida warar sheegayaan waa mashruuc arimaha bulshada ka hadli doono sido kalena quluubta dad weynaha taaban doono maadama fariin adag uu xambaarsan yahay balse lama oga sheeko ahaan waxuu ka hadlaayo iyo magaca Filimkaba waayo xogtiisa si rasmi ah wali shaaca loogama qaadin.

Alia wey ka heshay fariinta Filimkaan markii loo sheegay waxaana la filaa inee goordhow saxiixan doonto kadibna macluumaadkiisa ayaa la shaacin doonaa iyo xiliga duubis lagu bilaawi doonaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here