Labo todobaad kahor waxaa Internet-ka lagu faafiyay muuqaal laga soo duubay xidigaha caanka ah Ranbir Kapoor iyo Alia Bhatt waxaana muuqaalka ku arkeysaa lamaanahan oo kusugan aqalka Ranbir misane jiif kasoo kaceen xili subaxnimo ah.

Eey ayee wateen guriga dhexdiisa ayeena socod kusameynayeen misane ku jimicsanayeen kadibna waxaa bilaawataya in la faafiyo hadal heyna laga abuuro dabcan waan idiin la wadaagnay waxaa la sheegay Alia Bhatt inee go’aansataya Ranbir Kapoor inee la noolaato mudada karantiilka dalka India ka socdo ee guryaha lagu jiro Coronavirus aawgii.

Hadaba arinkaas war sugan loona heynin hadase waxaa muuqata inuu suganyahay maadama Soni Razdan oo ah hooyada dhashay Alia Bhatt ay saxaafada la wadaagtay war arinkaas cadeynaayo. Soni Razdan ayaa wareysi bixisay waxaana la weydiiyay hadii gabdhaheeda Alia iyo Shaheen ay daawadaan barnaamijkeeda Buniyaad ee Tv-yada kabaxa waxayna tiri iyadoo hadleysaa maamo Soni.

“Kama war qabo inee daawadaan iyo inkale (waayo hader islama joogno) balse waxaan hubaa inee ka helaan shaqo walbo oo aan aniga qabto mida kale mid walba si Online ah ayee iila soo xiriirta mudada karantiilka hader lagu jiro hadii Shaheen qoraalkeeda ku mashquulsantahay Alia iyadana waxay itustaa sidee cunada ukariso iyo waxbarasho online oo ah bilaawday Video Call ayaa xili walba ku sheekeysanaa nolol ay kufaraxsanyihiin ayeena kujiraan.”

Halkaan waxaa inooga cad in Alia Bhatt gurigeeda waqtigaan ku nooleen waxaana dadka ay xaqiiqsadeen hadalka Soni kadib in Alia Bhatt jaceylkeeda Ranbir hal guri kula nooshahay inkastoo hooyada dhashay si toos ah warka ushaacinin hadana side hadalka udhigtay ayaa laga xaqiiqsaday.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here