Filimsameye Sanjay Leela Bhansali ayaa hal mashruuc isugu keenay xidigaha kala ah Salman Khan iyo Alia Bhatt waxuuna ugu magac daray Inshallah hogaamiyaal ayuuna kaga dhigay balse Salman iyo Bhansali ayaa is fahmi waayen sidaa aawged Sallu mashruucii ayuu isaga baxay halka Bhansali meel iska dhigay filimkaas.

Hadaba Alia Bhatt la shaqeynta Bhansali wali weysii wadaa maadama Director-kaan uu xidigtaa ka saxiixday filimkale oo lagu magacaabo Gangubai kaaso sheekadiisa ku xeen daabantahay Mafia-yada Mumbai.

Alia Bhatta ayaa hogaamineyso mashruucan wararka kasoo baxaya Pinkivilla waxay sheegayaan in Bhansali filimkaan kusoo daray atooraha Kartik Aryan si uu shaashada jaceyl kula wadaago Alia Bhatt.

Sidaa aawged Bhansali waxuu diyaariyay qorshihii Kartik iyo Alia shaashada jaceyl ugu wadaagi lahaayeen filimkaan waana arin xiiso leh oo taageerayaashooda wada sugayaan.

Buug kuqorontahay sheekada Mafia-yada Mumbai ayaa qeyb kamid ah laga soo min guuriyay filimkaan sheekadiisa dhamaadka sanadkaan ama bilawga sanadka dambe ayaa duubis lagu bilaawi doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here