Wali waxaa socdo dagaalka baraha bulshada lagu haayo jilayaasha caanka ah sida Alia Bhatt iyo Salman Khan xili qaar kale ayba iska xireen ama xayireen qeybta faallo-dhiibashada (Comments) waxaana dhacday in markale weerar lagu qaado xidigahan.

Alia waxaa lagu Troll-gareeyay qoraal yar oo ay khaladay xili ay u hambalyeyneysay Jilaaga Arjun Kapoor oo 35-jir noqday shalayna u dabaal dagaayey sanadguuradiisa dhalasho Alia ayaana baraha bulshada hambalyada dhalashadiisa qoraal yar soo dhigtay balse erey ayee khaladay taasaana laga faaideystay.

Alia waxaa lagu Troll-gareeyay arinkaas oo dadka qaar dhaheen waa jaahil ama waxbarasho mataqaano markaase Ranbir Kapoor rabtaa inee guursato iyo barnaamijyo kale ayaa lala galay xidigtaan dhanka kale Salman Khan ayaa asna dhankiisa Troll la kulmay waliba isqaraabeysi ah.

Salman ayaa baraha bulshada ku xayeysiinaayey filimka Aarya ee Sushmita Sen misane Online-ka lagu daawanaayo waxuuna asaxaabtiisa ugu baaqay inee daawadaan mashruucan balse waxaa lagu tilmaamay mid wali isqaraabeyso wado Post inuu soo dhigo bas ayaana la sugaayey.

Saaxiibadaada gaarka ah ayaad aflaamtooda xayeysiineysa so ma aha iyo aflagaado kale oo xidigaan lala galay ayuu la kulmay 24-saac udambeysay balse Alia iyo Salman dantooda ayee kawataan dagaalka baraha bulshada ka socda xili Unfollow wali lagu wado aaladahooda sida Instagram.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here