filimka Kalank waxa uu ka mid ahaa aflaamtii ugu weynaa ee sida weyn loo sugaayay daawashadooda maadama filimkan laysugu keenay aktaro waa weyn kuwaaso magac iyo maqaam ku dhex leh fanka bollywoodka

laakiin filimkan waxaa ku dhacay fashil xoogan kaaso lama filaan ku noqotay jilaayaasha iyo daawadayaasha maadama filimkan la geliyay lacago fara badan sidoo kalena loo sameeyay xayeesiin balaaran

haddaba Alia Bhatt iyo Varun Dhawan ayaa arrintan dusha kaga tuurayn inuu fashil ku dhaco filimkan ninka lagu magacaabo Karan Johar kaaso filimkan soo saare ka ahaa laakiin Sidee Karan Johar arrintan lagu eedeyn karaa maadama filimkan uusan ka ahayn Director  kaliya uu ka yahay soo saare

jilaayaasha Alia Bhatt iyo Varun Dhawan oo filimkan hogaamiye ka ayaa waxa ay ka hadlayn fashilka ku yimid iyo waxa kalifay ” Alia Bhatt iyo Varun Dhawan oo arrintan ka hadlaya ayaa waxa ay sheegayn Karan Johar inuu yahay shaqsi mudan in markasta kaliya la amaano maadama fanka bollywoodka uu ku reebay xasuus iyo guulo badan waxaana ay isaga si weyn kaga mahad-celiyeen abaalkii uu u galay maadama uu yahay shaqsiga ka dambeeyay inay maanta heerkan taagnaadaan

laakiin Karan Johar waxaa uu leeyahay hal ceyb kaaso markasta uu jecel yahay inuu aflaamtiisa kusoo daro waana jaceylka sadex geesoodka kuwaaso aan in badan hore lagu arkay aflaamtiisa sida Kuch Kuch Hota Hai , Kabhi khushi kabhi gham , Kal Ho Naa Ho , Kabhi Alvida Na Kehna Hai , Student Of The Year, Ae Dil He Mushkil, Kalank iyo filimkiisa dhawaan galka ah ee Student Of The Year qaybtiisa labaad

waana dhacdo soo jirayn ah in Karan Johar markasta uu dooqdo aflaamta ku saabsan jaceylka sadex geesoodka iyadoo hore dhamaan aflaamtii hore u sameeyay ay noqdayn kuwa si weyn ay kaga helaan dadka laakiin markan waxaa ka fashilmay filimka Kalanka halka weli laga sugi doono waxa uu noqdo filimka Student Of The Year kaaso la daawan doona 10 bisha may ee sanadkan 2019

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here